Waxaan
joognaa duni ay ka dhacayaan musiibooyin aad u farabadan musiibooyinka
qaar waxaad umalaysaa inay yihiin wax qiyaali ah qisada maanta waa
mid qalbigaada taaban doonta lkn daqiiqadaha ugu dambeeya ayaa waxaa imaan
doona oo soo bixi doona rajo taa oo lagu ilaawi karo dhibaatooyinkii adkaa ee
bilowga.
Maanta waxaan idiin hayaa mid kamida qisooyinkii ugu xanuunka badnaa ee ka
dhacay dalka ciraaq xiligii uu ka talinayay saadaam xuseen taa oo ku dhacday
famil, familkaan waxa ay ku noolaayeen nolol aad u adag oo aad u xanuun badan,
lkn 40-sano kadib waxaa dhacay mucjiso dhab ah taa oo mar kale farxadii
familiga qaybkamida dib usoo celisay, qisadaan waxaan ku ogaan doonaa sababta
familigaan loo xiray oo xabsiga loo dhigay, sidoo kale waxaan ogaan doonaa
qaabka ilmahaan yar yarka ah oo familiga kamidka ahaa xabsiga uga soo
baxsadeen, sidee ayay ku dhacday arintaan lama filaanka ah mudo aad u dheer
kadib.
Familkaan waxaa lagu magacaabaa reer
musaawi waxayna ka koobnaayeen aabaha familiga oo lagu magacaabo"jawaad
naasir musaawi"oo ahaa 43 jir kuna dhashay dalka ciraaq gaar
ahaan magaalada basra waxow qabay gabar lagu magacaabo "igtisaam
suwey" oo 22 jir ahayd caruur ahaan waxay haysteen labo wiil oo lagu
kala magacaabo "axmed "oo 2 sano jir ahaa iyo "xaydar "oo 4
sano jir ahaa, xiligaan igtisaam oo ah maamada familka waxay lahayd uur 8
bilood ah familiga reer musaawi waxay xaalad aad u adag ku marayeen
baqdaad kadib markii la xiray aabaha familiga jawaad musaawi waxaana lagu ee
deeyay kamid ahaan shaha xisbigii mucaaradka ahaa ee lagu magacaabi jiray
"al dacwa" ee ka dhisnaa dalka ciraaq, aa baha familkan waxaa
lagu tuhmay inuu yahay xubnaha ugu sareeya xisbigaa oo kasoo horjeeday xukunkii
xiligaas jiray jawaadna waxa uu ahaa saldhiga xisbigaa uu leeyahay marar badan
ayaana laga soo qabtay dad kale jawaadna waxaa lala xiray laba wiil oo isaga la
dhashay oo lagu kala magacaabo "cabdi ridhaa,iyo xuseen", sido kale
waxaa iyagana laxiray wiilal ay walaalihiis dhaleen ku waa oo lagu kala
magacaabayay "dhaalib iyo maxamuud", familigaan waxaa laga tagay
kaliga igtisaam oo ah xaaska jawaad oo uur laheyd iyo labadeeda wiil ee yar
yarka ah lkn iyagana waa laxiray markii dambe kaliya waxaa laga tagay waa
yeelada oo ah jawaad hooyadiis iyo igtisaam hooyadeed labadaa qof oo
kaliya ayaa laga tagay dhamaan familiga intiisii kale waa lasoo xiray waxaa
layaab ahayd in dhamaantood lagu xukumay dil toogasho ah macal labadii cunug ee
yar yarka ahaa iyagana waxa lagu xukumay dil toogasho sebtember 1980 xiligaa
dalka ciraaq waxa uu ku sugnaa xaalad siyaasadeed oo aad u daran waxaana ka
socday dagaal u dhaxeeyay saadaam xuseen iyo dadkii mucaaradka ku ahaa markii
la xirxiray familigii reer musaawi ragii familka waxaa lagu xir xiray xabsi aad
u adag halka igtisaam iyo ilmaheeda lageeyay mel gaar ah oo xabsiga kamida
laguna xiri jiray dumarka iyo caruurta xiligaa waxaa sharci ahayd in
aadan raadin karin qof lagu soo xiray arimo siyaasadeed oo uu kahor imaaday
xukunka xiligaas jiray xitaa hadii aad qof wydiisid adigana waa lagu soo xiraa
waayo waxaad isku dayday in qofkaa aad raadido sidaa darteed ku fikir
ayaatahy xiligaa xabsiyadu waxa ay kabadnaayeen istitaalada waayo 80%dadka waa
laxirayay sabab iyo sabab la'aanba labadaba.
Ayeeyada dhashay jawaad xiligaa qofna
ma'aysan heysanin waayo afar waiil oo ay dhashay waxa ay ku jiraan xabsiga
waxaana loo haystay arimo siyaasadeed dhamaan tood, waxaa lagu xukumay dil
toogasho ah labo kamida il maheeda waxa ay ku maqnaayeen dibada hantidii ay
haysatayna xukuumada ayaa lawareegtay sidaa darteed wax ay haysato ma aysan
jirin waxayna go aan satay inay raadiso ilmaheedii dhibaato kastaba
hasoogaartee sidaa ayay xabsiyada u dhexwareegijirtay iyada oo gobolba mar
tagaysa mudo 2bil ah ayay raadinaysay ilaa makii dambe ay heshay, lkn sidee bay
ku heshay ayeeyadaan waxa ay aragtay haweenay usocota mid kamida xabsiyada
dumarka lagu xiro lkn haweenaydaa qofka ka xirnaa wax siyaasad quseeya laguma
xirin maxaa yeelay waxaa mamnuuc ahayd in labooqdo qof siyaasad ku eedaysan
waxay tiri ayeeyadii aan is raacno waxaa laga yaabaa in halkaa aan ku soo arko
15 desember 1980 ayeeyadii oo ah jawaad hooyadii waxay raacday haweenaydii
usocotay xabsiga lagu magacaabo "Al sac faraaniyah " halkaa makii ay
tageena waa ay ku ar keen waxaa jiray qorshe ay niyada ku haysay oo ahayd in
ilmaha ay ayeeyada u tahay ay halkaa kasoo badbaadiso markii koobaad waxay
go'aan satay in iyada iyo haweenaydii kale ay xaydar lasoo baxsadaan waayo
axmed waxa uu ahaa cunug yar oo labo jir ah hadii uu hooyadii waayana ooynaya
ayeeyadii waxay go'aan satay in xaydar ay soo saarto maadaama uu 4 sano
jir ahaa oo uu caqli lahaa waxay kor uqaaday cabaayadii ay wadatay halkaa
ayayna ku soo qarisay makii ay damacday inay baxdo ayaa waxaa qabtay askari oo
ku dhahay xaajiyo adigu maxaa hoosta ku wadataa iyaduna qaab caqliyaysan ayay u
dhaqantay xaydar ayay xoogaa dharbaaxday waxayna ku dhahday soobax cunug yahow
dhibka badan markii uu soobaxay wuxuu arkay askarii ayeeyadii ayaa ku dhahday
waa uu i dhibay wiilkan ee horay u wado askari dabcan waad fahmi kartaa
baan u malaynayaa ujeedada ay leedahay maamadu, askarigii oo u haysta cunug
booqasho u imaaday ayaa ku dhahay raac ayeeyadaa hadhibine hadii kale aniga
ayaa kuwadaya xabsi ayaana kugu ridayaa sidaa ayayna halkaa uga soosaartay
xaydar qorshaha waa uu hirgalay halkaa ayay ka soosaartay ayeeyadii in
kastoo qorshuhu ahaa mid aad u qatar badan hadana waa uu guulaystay inkastoo
halkaa ahayd meel ciidan badan joogaan oo laqabankaro, dhanka kale askarigii
qabtay miyuusan fahmin cunuga maadaama dadku ay badnaayeen mise waa uu
udamqaday taa cid boqolkiiba boqol kajawaabi karta majirto balse qadarta alle
kadib dadaal iyo qorshe ayeeyadaan wadato ayuu kusoo badbaaday xaydar axmed
waxa uu lajoogay ayeeyadii maadaama laba cunug aan la isku wadi karin waxayna
igtisaam ku dhahday labo isbuuc kadib ayaan idiin soo laabanayaa si axmedna aan
halkaan uga saaro, hada xaydar waa qofka kaliya ee badbaaday familkiisa waayo
inta kale ee hartay waxay ku xukumanyihiin dil axmed xabsiga ayuu ku jiraa
wuxuuna sugayaa jaanis kale oo lagu soosaaro labo isbuuc kadib
ayeeyadii waxay aaday booqasho si halka axmed ay uga soosaarto lkn waxaa
naxdin ahayd markii ay halkaa tagtay waa ay waysay markii ay waydiisana
waxaa lagu dhahay magaranayno halka lageeyay mudo kadib waxaa soobaxay in
dhamaan familkii ladilay waxaa sooharay xaydar iyo ayeeyadii iyaga oo aan
waxba gacanta ku haynin maadaama guryihii laga qaatay xitaa sawir uma sooharin
oo familkii ay ku soo xasuustaan mahaystaan aqoon siyadoodii qaaska ahaa wax ay
gacanta ku hayaan majirto xaalad adag ayayna wajahayeen ayeeyadii ayaa baxday
waxay waday xaydar si sawiro uga soo qaado markii ay utageen ninkii sawir
qaadaha ahaa waxay halkaa ku aragtay sawirka axmed iyo waalidiintiisa maadaama
ninkaas uu ahaa ninka markastaba sawirada ay kasoo gali jireen xaydar waxa uu
sooqaatay sawiradii familkiisa waayo wax kale umaharin sanado badan ayaa
lajoogay xaydarna waa uu waynaaday oo waxaa sookorisay ayeeyadiis waa uu baxay
waxa uu usafray mid kamida wadamada yurub halkaa ayuu waxbarasho u aaday
familkiisii wax aan xasuus ahayn kama haysto hadana markasta rajo ayaa
qalbigiisa ku jirtay waxuuna rajaynayay in maalin uun ogaado qaabkay familkiisu
u dhinteen iyo sida saxda ah ay wax u dhaceen xaydar inkastuu uu ahaa qofyaraantii
dhibaato lasoo kulmay oo rafaad ku sookoray hadana taas kama hor is taagin in
noloshiisa uu heer ka gaaro oo nolol quruxbadan uu dhisto dabcan guulo waawayn
ayuu gaaray markii xukunkii saadaam uu dhacay xaydar waxa uu kusoolaabtay
ciraaq si uu u raadiyo familkiisii halka ay ku dambeeyeen isagoo raadintii ku
jira waxa uu helay warqado cadaynaya dhimashada hooyadii oo kaliya lkn waqtigaa waxaa jiray koox dad ah oo sawiro
farshaxan ah ka sameeyay axned kuna qoray shahiid kii ugu nasiibka badnaa qaybta
hoosana uga qoray magaciisa oo ah axmed jawaad musaawi halkaa xaydar waxa uu ku
ogaaday oo uu ku xaqiiqsaday in uu waayay afar qof ee noloshiisa ugu dhowaa
hooyadii aabihii walaalkiis iyo waliba walaashiis, oo hooyadiis ku dhashay
xabsiga halkaa ayay ku dhamaatay rajadii uu familkiisa ka lahaa waxaana usoo
haray xusuus aad uqaraar badan wakhti badan oo murugo ahaa kadib dabcan xaydar
waa uu guursaday sanadii 2003dii intaa kadib waxa uu ku noolaa wadanka
"switzerland" waxa uuna markasta imaan jiray ciraaq xaaladu sidaa
ayay ahayd ilaa xaydar uu soo gaaray dada 44sano.
29 juun 2020 si lama filaan ah xaydar
waxa uu soo dhigay bosti uu uga hadlayo xusuustii familigiisii lawaayay waxa
uuna bostigii ku xoray xanuunkii uu soomaray oo faah faah san, dhamaadka
bostiga waxa uu soo saaray sawirka walaalkii axmed waxa uuna ku sooqoray kan
waa sawirka walaalkay axmed ee shahiidka ahaa ee ladilay isagoo labo sano jir
ah bostigii waxa uu dhaliyay hadal hayn iyo falcelin aad u farabadan dadkii
ayaa aad u qaadaadhigay dhamaantood waxay dareemayeen xaaladaa adag oo xaydar
uu ku noolaa sanadahaa badan soo bandhigida wixii ku dhacay reerkiisa
waxa uu garab kahelay shacabka kuwaa oo aad iyo aad ula dareemayay xanuunka
waxuu dareemayay xaydar in xanuunkaan uu kaligii lanoolayn oo uu helay dad la
dareen ah dadkaa laxanuun saday xaydar waxay bilaabeen in sawirka wiilkaa yar
ay ku sheer gareeyaan group yada public yada ah sidoo kale waxa bostigii
soo qaatay xaydar eedadii oo uu qabo adeerkii sawirkii ayay soo dhexdhigtay
group what's up ah, kaa oo haween ay lahaayeen yacni waxa uu ahaa group dumarka
ugaar ah waadna ogtihiin in dumarku ay iska naxariis badan yihiin waxay
bilaabeen in sawirkii ay falaqeeyaan halkaa ayaa waxaa ka dhacay arin
lamafilaan ah eedadii soo dhigtay ayaa habeen habeenada kamid ah xili saqbar ah
waxaa u soo dhacay taleefoon waxaa soowacday haweenay dabcan aad ayay
ulayaabtay wicitaanka xiligaan ah waa ay ka qabatay haweenaydii soo
wacday ayaa ku dhahday iga raali noqo maamo xiliga aan ku soowacay waan
ogahay inuusan ahay xili la isisoo waco lkn sawirka aad grouka soo dhigtay oo
aad leedahay waa uu dhintay oo waa la dal dalay dabcan waa ay kaa qaldan
tahay oo wiilkaa waa uu noolyahay sanado badan ayaan raadinaynay familkkisa
eedadii aad ayay unaxday oo waxay tiri sideebaad ku hesheen hadalkiinu
maxaqiiqaa mise waad ila kaftamaysaa balse haweenaydiibaa ku dhahday waaruntay
cunugaan waxaan kahelnay wadada sanadii 1980kii xaydar eedadii farxad iyo
argagax ayaa iskugu darsamay waxayna bilowday inay qayliso oo ay oydo
saygeedii oo ahaa xaydar adeerkiis ayaa soocararay, oo kudhahay maxaa
kugudhacay oo xiligaan laqaylinaysaa waxayna usheegtay qabarkaa farxada badan
oo ay soomaqashay xaydar adeerkii arinkaa ma'uusan rumaysanin waxuuna lahadlay
reerkii dhahay anaga ayaa hayna cunuga waxay usheegeen in cunugaan iyagu
ay hayaan oo ay sookoriyeen yaraantiisina ay wadada kasoo qaadeen ilaa
hadana iyaga uu lajoogo adeerkii waa uu sugi waayay ilaa subaxnimada laga
gaaraayo waa ay baxeen isaga iyo familkiisii waxayna aadeen reerkii sheegay
inay cunuga hayaan dabcan xiligaa waxa ay aheed 12: 00 habeenimo waxa uu
jeclaaday inuu sooxaqiiqsado oo arinkaa indhihiisa kusoo arko marka uu arinkaa
dhacaayo xaydar waa uu maqnaa cid wax usheegto ma'aysan jirin si aan rajo been
ah loogalin waayo xaydar waxa uu qabay xanuun dhanka wadnaha ah oo waxaa
dhicikarta hadii arinkaan loo sheego oo hadana dib kanoqoto been in murug uu
ladhinto gurigii reerkii hayay axmed ayay tageen albaabkii ayay ugaraaceen
waxaana kafuray axmed xaydar adeerkii isla markiiba wiilkii waa uu aqoonsaday
waayo waxa uu saa'id ugu ekaa xaydar adeerkii iyo wiilashii lasocday ooyin ayay
bilaabeen axmed ayayna dhamaantood kudul oynayeen hooyada reerka oo sookorisay
axmed waxaa lagu magacaabayay nahaad waxay bilowday inay uga sheekayso qisada
axmed iyo sida ay ku heleen axmed nasiibka ayaa badbaadiyay waayo maalintii
loowaday inladilo waxaa dhacay dagaal waxaana la isku qalday dadkii oo qayb
ayaa iska baxay axmed iyo firaas labadaan cunugna waa ay iska baxeen hadaba
sideebay ubaxeen maxaasa sababay inay baxaan waxyaabahaa oo dhan qof sheegikaro
malahan lkn firaas iyo axmed banaanka ayay ku hareen markii gaariga laraacayay
iyagoo wadada oynaya ayaa la arkay waxaana lageeyay saldhigii ugu dhawaa waxay
caado uleeyihiin in xaafad kastaba ay leedahay gudoomiye ugaar ah kaa oo
waxkasta oo xaafada kadhaca lala socodsiiyo waxaa loo wacay gudoomiyihii
xaafada waxaana loo keenay labadii wiil waayo waxaa lagayaabaa inuu aqoonsado
maadaama uu masuul yahay oo lagaranaayo waxay bilaabeen inay waraystaan ilmihii
si ay u ogaadaan magacyadooda iyo reerkooda firaas ayaa lagu dhahay noosheeg
walaalkaa magaciisa waxa uuna yiri kani walaalkay maahan ee waa dariskeena
markasta waan islaciyaari jirnay waxay ogaadeen in labadaan wiil aysan isladhalan
oo aysan walaalo ahayn kaliya ay daris ahaayeen, sidookale waxay ogaadeen inay
xaafad kale ka imaadeen aan idiin sheegee booliisku iyo gudoomiyuhu ma'ogeyn in
labadaan cunug ay yihiin maxaabiis oo ay xabsi kujireen lkn waxay arkeen in
ilmahaan dhaawacyo ay kuyaalaan sidaa inay gaari kadheceen oo kale in kastoo
dhaawacyo daran aysan ku oolin firaas wax dheeri ah ma'uusan garanayn axmedna
mabahadli karin mudo ayaa laraadinayay familkooda lkn nasiibdaro waalawaayay
gudoomiyihii ayaa waday oo gurigiisa ayuu geeyay dabcan waxa lagayaabaa in
gudoomiyaha aad ku wareersantihiin lkn waasayga haweenayda axmed eedadii
soowacday habeenka saqbaka gudoomiyuhu waxa uu firaas waydiiyay magaca aabihiis
waxa uu kudhahay adiga ayaa aabahay ah dabcan aad ayuu ucalool xumooday
gudoomiyuhu waxowna yiri waa inaan labadaan cunug wataa aniga ayaa
masuuliyadooda qaadaya inkastoo booliisku diidanaayeen oo dhahayeen waa in
lageeyo meesha ilmaha agoonta lagukoriyo lkn ugu dambayn waxaa qaatay oo
masuuliyadooda lawareegay gudoomiyihii wuxuu balan qaaday inuu sida caruurtiisa
ukorin doono halkaa ayay labadii wiilba ku noolaayeen oo ku waynaadeen waayo
waalawaayay waalidiintoodii mudo 40 sano ah ayay reerkaa kamid ahaayeen
ilaa maalintaa xaydar uu bostiga soo dhigayna reerkaa ayay lanoolaayeen sawirka
axmed ee qaybta dambe uga yaala bostiga waxaa lagu soo qabtay sawirkii
ugu horeeyay ee axmed laga qaaday markii reerka gudoomiyaha ay lawareegayeen
axmed adeerkii intaa markii uu xaqiiqsaday kadib waxa uu wacay xaydar waxa uuna
usheegay arintaan farxada badan madaama uu wadnaha ka xanuunsanaa markii
uu maqlay hadalkaa oo ahaa walaalkaa axmed lama dilin ee waa uu noolyahay waa
uu suuxay xaydar waxaana usoo cararay xaaskiisii iyo ilmihiisii markii uu
soonaaxay waxa uu layaabanaa in hadalka uu maqlay inuu riyo ahaa iyo inuu dhab
ahaa xaydar waxa uu noolaa 40 sano isaga oo aaminsan in walaalkii uu
noolyahay oo uusan dhiman lkn waxaa jirtay in saxaafadu ay aaminsanaayeen in uu
dhintay oo xiligaa ay tabinayeen in cunugaa ladilay isagoo labasano jir ah
waxuuna iska aqbalay in uu aqbalo dhimashada walaalkii markii xaydar adeerkii
oo usheegay arinkaan waxa uu ku dhahay axmed ayaa kusoo wacaya 24saac gudahood
balse xaydar 24 kaas saac way kala dheereed 24sano.
24 saac kadib ayuu soo wacay makii uu
codkiisa maqlay ooyin ayuu is celin waayay waxayna bilaabeen in ay kawada
sheekeestaan waxyaabihii ay soomareen 40kii sano oo ay kala maqnaayeen
midkastaba waxa uu midka kale usheegay qaabkuu ugu xiisay iyo firaaqa uu
dareemayay kulankii axmed iyo xaydar waxaa soo xaadiray tiifiiyo aad ufarabadan
oo waa laduubay maadaama ay ahayd qiso aad u xanuun badan qofkasta oo ciraaqi
ahna uu jeclaa inuu arko waalaalihii oo kulmaya qaab live ah ayaa loo tabinayay
kulanka walaalahaan wakhtigu kalafogeeyay waxa uu noqday arintii ugu
cajiibsanayd sidookalena ugu wanaagsanayd ee latabiyo sanadkii 2020kii
qisadaan waxay yeelatay saamayn aan caadi ahay dadka dhana waxa ay ka hadlayeen
arinta walaalahaan qisadaan waxa aan kabaranaynaa si kasto oo ay xaaladu kuugu
adagtahay marnaba haquusanin oo hakatagin rajadaada kusaabsan in arinkaan uu
maalin kuu hagaagi doono mugdiga habeenka markaste waxaa ka dambayn doona
iftiinka maalinta.
halkaa ayay ku egtahay qisadeenii
maanta
MAHADSANIDIIN
0 Comments