Hindiya Oo Tallaabo Ka Qaadaysa Makhaayadaha Cuntada Candhuufta Ku tufa Iyo Kuwa Kaadida Ku Walaaqa

 

Malaayiin qof oo hindiya ku nool ayaa ku raaxeysta cuntada wadooyinka lkn mas’uliyiinta ayaa sheegay in walaac xoogan laga qabo badbaadada cuntada .

 

Xisbiga xuguma Hindiya ee Bharatiya Janata(BJP) ayaa ku dhawaaqay inay soo rogeen ganaaxyo culus iyo xabsi ay wajihi karaan dadka cuntada kariya ee ku sugan labada gobol ee xisbigu ka taliyo .

Xisbiga ayaa tilmaamay in dadka sameeya cuntooyinka ay ku wasakheeyaan waxyaabo ay kamid yihiin candhuuf, kaadi iyo waxyaabo kale oo caafimaadka iyo nadaafada halis ku ah.

Gobolka lagu magacaabo Uttarakhand oo ku yaalla waqooyiga dalkaas ayaa ganaaxi doona 100,000 oo rupes una dhiganta 1,190-dollar, halka gobalka dariska la ah ee Uttar Pradesh lagu wado in laga soo saaro sharciyo adag si wax looga qabto cuntooyinka lagu tilmaamay inay ka hor imaanayaan caafimaadka .

Awaamiirta dowlada ayaa daba socday faafinta muuqaallada aan la xaqiijim ee baraha  bulshada oo muujinaya dadka  cuntooyinka ku sameeya hareeraha waddooyinka iyo maqaayadaha yaryar ku waas oo candhuufta ku tufa cuntada .



Muqaalada ayaa caro ka abuuray baraha bulshada, iyadoona qaar badan oo kamid ah dadka ay walaac ka muujiyeen badqabka caafimaad ee cuntada gobolladaan .

Muqaal kamid ah kuwa aadka u faafay ayaa la sheegay in haweenay ay kaadi ku dartay cunto waxaana markii hore lagu sheeegay inay tahay muslim, balse booliska ayaa markii dambe u aqoonsaday inay tahay Hinduu.

Wargeyska Indian Express, ayaa dhaleeceeyay qawaaniinta laga soo saaray gobolka Uttar Pradesh, waxa ayna arrinkaan ku tilmaameen mid lagu beegsanaayo dad tiro yar oo aan markii horeba amni heysan.

Caadooyinka cuntada ayaa mowduuc xasssi ah ka ah dalka hindiya, waxaana jira dhaqamo kala duwan oo salka ku haya diimaha iyo nidaamka dalka.

Marar kala duwan ayaa waxaa dalkaas ka dhacday isku dhacyo u dhaxeeya bulshooyinka ku waas oo laxariira dhaqanka iyo cuntada.

Hay’adda badbaadada cunnada ee magaceeda loo soo gaabiyo (FSSAI) ayaa cuntada aan badbaadada  lahayn ku tilmaamtay inay keenayso ku dhawaad 600 milyan caabuq ah iyo 400,000 oo dhimasho ah sanadkii .

Khubarada ayaa soo xiganaya sababo kala duwan oo la xiriirta badbaado la’aanta cuntada dalkaas , oo ay kamid yihiin inaysan jirin dhaqan galin ku filan oo dhanka shuruucda ah, wacyigalin la’aan, goobaha lagu kariyo oo aad ciriiri u ah, suxuunta ama maacuunta oo ah kuwo wasaqeysan iyo biyaha la isticmaalayo oo iyana wasaqeysan.

Kadib muuqaaladii muranka dhaliyay ee faafay Uttarakhand, ayaa looga dhawaaqay ganaaxyo culus oo qabanaya dadka lagu helo danbiyada noocas ah, sidoo kale in booliska ay badagal ku sameeyan shaqaalaha hoteelka iyo in CCTV-yada lagu rakibo madbakhyada ama jikooyinka.

 

Mid kamid ah wasiirada gobolka Uttar Pradesh, oo lagu magacaabo yogi Adityanath ayaa  sheegay lajoojyo dhacdooyinka noocan ah, booliskana ay xaqiijiyan shaqaale kastea.

Gobolkaan ayaa sidoo kale qorsheenaya in qasab laga dhigo in xarumaha cuntada lagu soo bandhigo magacyada milkiilayaashooda, cunto kariyaasha iyo kuwa dalabka qaadana ay xirtaan afxir iyo gacmogashi, sidoo kale in kaamiro lagu xirto goob kasta oo lagu cunteeyo.



 

Bashii luulyo, maxkamadda saree e hindiya ayaa joojisay amarro ka soo baxay maamulada gobolada  Uttarakhand iyo Uttar Pradesh , kuwas oo wax looga qabanayay dadka cuntooyinka ku sameeya hareeraha wadooyinka, maxkamadda ayaana amarradaas ku tilmaamtay kuwo aan caddaalad ahay oo lagu bartilmaameedsanayo  dadka muslimiinta ah, ayna saameyn xun ku yeelan doontao ganacsigooda.

Arbacadii, booliska magaalada Barakanki ayaa xiray milkiilaha maqaayada mohammed irshaad oo lagu eedeeyay inuu candhuuf ku tufay (rooti fidsan ) xili uu diyaarinaayay.

Mr Irshad ayaa lagu eedeeyay inuu khalkhal galiyay nabada iyo wada noolaashaha diinta, sida uu sheegay wargeyska Hindustan Times.

 

Horaantii bishaan, booliska magaalada Mussoorie ayaa xiray labo nin oo lagu kala magacaabo Naushad Ali  iyo Hasan Ali oo lagu eedeeyay in ay ku tufeen digsi xili ay shaah karinayeen, waxaana lagu eedeeyay in ay sameeyeen caro dadweyne oo ay halis galiyeen caafimaadka, ayuu yiri The Hindu.

 

Muqaalada raggaan oo candhuufeynaya cuntada, ayaa lagu baahiyay baraha bulshada maalmo ka hor intaan la xirin,

 

Hogaamiyayaasha mucaaradka ee labada gobol ee BJP ayaa dhaleeceeyay awaamiirta cusub, iyagoo sheegay in loo adeegsan karo beegsiga muslimiinta, dowladuna ay u adeegsanayso amaradaan si ay uga weeciso dhibaatooyinka kale ee muhiimka ah sida shaqo la’aanta iyo sicir bararka circa isku shareeray.

Sargaal ka shaqeeya badbaadada cuntada ayaa bbc-da u sheegay in saraakiisha badbaadada iyo booliska ay bilaabeen baaritaaano ay ku sameynayaan goobaha lagu cunteeyo.

Khabiir dhanka sharciga ah sidoo kalena saxafi ah oo lagu magacaabo V Venkatesan ayaa sheegay in loo baahan yahay xeerar cusub iyo sharciyo ku saabsan badbaadada cuntada in si sax ah looga dodo fadhiga golaha.

Dalka hindiya marar badan waxaa ku soo laalaabtay dhibaatooyinka ka dhashay dhaqanka iyo cuntooyinka iyadoona muslimiinta ku nool dalka hindiya ay la kulmeen eedeymo la xiriira dhaqamada bulshada inkasta oo marar badan been abuur lagu tilmaamay.

Saamaynta Talaabada Hindiya ku yeelatay Dadweynaha Iyo Maqaayadaha

Dadwaynaha ayaa si wanagsan u soo dhaweeyay talaabadan, iyagoo rumeysan in dowladu ay xil iska saareyso caafimadkooda.

Maqaayadaha iyaguna waxey heleen fursad ay ku hagaajiyaan adeegyadooda, waxayna kor u qaadayaan kalsoonida macaamiisha iyagoo hubinaaya nadaafada iyo tayada cuntada la bixinaayo.

Saameynta Dhaqanada Khatarta Ku Ah Caafimaadka Dadweynaha Ee Maqaayadaha

Cilmi-baarisyo caafimaad ayaa muujiyay in isticmaalka cunada lagu daro waxyaabaha aan haboonayn ay sababi karaan cuduro faafa sida shuban-biyoodka, foodabaha, iyo infekshanka kala duwan.

Waxyaabahaas wasakhaysan  ee lagu daro waxay khatar galinayaan dadka isticmaala, taas oo keeni karta waxyeelooyin caafimaad oo ba’an, kaar ahaan dadka xasaasiyada leh iyo kuwa aan difaac wanaagsan lahayn.

Xirfada Nadaafadda  Ee Maqaayadaha: Sidee Loo Hirgaliyaa?

 

Dadka haysta maqaayadaha iyo shaqaalahoodu waa in ay hirgeliyaan habraacyada nadaafadda oo ay kamid yihiin:

1.       Nadaafadda gacmaha: shaqaalaha waa inay si joogto ah gacmahooda ugu dhaqaan saabuun iyo biyo nadiif ah ka hor iyo ka dib markay diyaarinayaan cuntada.

2.       Nadaafadda alaabta cuntada: Qalabka lagu sameeyo cuntada waa in si joogto ah loo nadiifiyaa, loona isticmaalaa qaab ku habboon caafimadka.

3.       Hawo-galinta maqaayadaha: Goobaha cuntada lagu diyaariyo waa in ay leeyihiin hawo-gelin wanaagsan si looga hortago wasakhda iyo qubka hawda ku jira,

Gunaanad: Mustaqbalka Nadaafadda Iyo Maqaayadaha Hindiya



Hoggaanka dowladda Hindiya wuxuu ku talo jiraa inuu xoojiyo nidaamka nadaafadda ee maqaayadaha, isagoo diirada saaraya caafimaadka bulshada iyo ilaalinta deeganka.

Talaabooyinkan cusub ee lagu hubinaayo nadaafadda goobaha cuntada waxay worseedayaan in mustaqbalka dhow ay dadku ku helaan maqaayado nadiif ah, oo cunto tayo leh bixiya.